Godadkii kooxaha is Qarxiya ee Daacish oo gudaha loo galay iyo Waxyaabaha lagu soo arkay – SAWIRO

Ciidamada Milatariga dalka Ciraaq iyo Maleeshiyadaka Kurdiyiinta ayaa markii ugu horeeysay waxeey gudaha u galeen oo si toos ah ula wareegeen Godad aad u waa weyn oo isku xiri jiray magaalada Mosool iyo deegaanada ku xeeran .

Godad-kaan oo mudo aad u fog laga qoday dhulka hoostiisa ayaa waxaa is ticmaali jiray xoogaga Daacish kuwaas oo si weyn iskugu gurmadi jiray waxaana inta badan soo qarda jeexi jiray kooxaha is Qarxiya iyo dagaalyahanada ka gambanaya diyaaradaha dagaalka .

Milatariga dalka Ciraaq iyo Maleeshiyaad garab siinaya ayaa kusii siqaya magaalada Moosil , waxa ayna ciidamada Huwanta ah la wareegeen deegaano dhoor ah oo ku xeeran magalaadaasi oo ah tan labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq.