Odawaa “Hiiraan labo gobol lagama dhigi karo, waayo Dastuurka waxaa ku qoran 18 gobol”

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in dhowaan dib loo bilaabi doono howlihii maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo meesha ka saaray inuu fashilmay dadaaladii maamul u sameynta ee labadaas gobol.

Wasiir Odawaa oo xalay ka qeyb qaadanayay Barnaamija Bandhiga ee si toos ah uga baxayay Telefishinka qaranka ee SNTV ayaa sheegay in dib loogu laaban doono magaalada Jowhar, si loo ambaqaado shirarkii maamul u sameynta labada Gobol.

“Aniga ma aaminsani inay fashilmeen dadaaladii maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sanad kama badna inta ay howlahaas socdaan, September sanadkii hore ayay aheyd markii la saxiixay, wali sanadkeeda ma gaarin, maamulada qaar waxaa laga shaqeynayay labo sano iyo saddex sano”ayuu yiri Wasiir Odawaa

Mar uu ka hadlayay dadaalada IGAD ku lug leedahay ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayuu sheegay in taas macnaheeda aheyd in aanay ku jirin dowladda, isagoo xusay in IGAD ay xubin ka tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana horay ay ugala shaqeysay maamuladii Kismaayo iyo Baydhabo, haatana ay kala shaqeyneyso midka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

“Anaga ma rabno cid inaan jajuubno, waa waxa ay dowladnimada Soomaaliyeed la bur burtay, waxaa wadnaa is faham inaan wada hadalsiino oo ay wada fariistaan shacabka labada Gobol, dhowr jeer oo hore ayaa uga shaqeynay hadey dhaqan ahaan laheyd iyo hadey siyaasiyiin ahaan lahaayeen, waxaa marar badan tagnay Beledweyn iyo Jowhar”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Mar Wasiirka uu ka hadlayay cabashada reer Hiiraan ee ah in labo gobol laga dhigo, ayuu sheegay in marar badan dowladda ka jawaabtay cabashadaas, isla markaana aanay sameyn karin gobol kale, maadaama Dastuurka uu qabo 18 gobol.

“Dacwooyin iyo cabashooyin ayaa naloo soo gudbiyay oo la yiri dowladda kam jawaabin, runtii waa ka jawaabnay arrinta Hiiraan ee ah in labo gobol laga dhigo, Dastuurka waxaa ku qoran 18 gobol anagana ma sameyn karno Gobol kale”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan ayaa horay u sheegay in Hiiraan ay u qalanto in laga dhigo labo Gobol, sidaas darteed waxay qaadaceen shirka maamul u sameynta labada gobol iyo inay wax ku darsadaan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dadaal ugu jirta sidii loo dhisi lahaa maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ka hor doorashada dhici doonta bisha November sida la qorsheynayo