Tahriibayaal kor u dhaafaya 8000 oo gaaray xeebaha Talyaaniga muddo 5 maalmood

Tahriibayaal tiradooda kor u dhaafaya sidddeed kun ayaa laga soo badbaadiyay biyaha badda Mediteraneanka muddo ku siman shan maalmood sida ay sheegeen ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga.

Shalay ayaa la soo badbaadiyay illaa iyo 1,800 oo tahriibayaal ah iyadoo howlaha lagu soo badbaadiyay dadkan ay iska kaashanayeen ururo bani’aadanimo iyo howlgalka loogaga soo horjeedo dadka soo galootiga ah ee la magac baxay “Safiya” oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku dul umushay ilmo markab dushiis markabkaas oo loo bixiyay Safiya.

Tahriibayaashan shanta maalmood ee la soo dhaafay gaaray xeebaha dalka Talyaaniga ayaa saarnaa illaa iyo 14 doomanka bacaha neefta lagu shubo iyo labo doon alwaaxyo ah.

Tirada dadkan ayaa waxa ay ka dhigeysaa 94,000 oo tahriibayaal ah oo gaaray xeebaha dalka Talyaaniga sanadkan iyadoo la mid ah tiradii sanadkii hore ee 2015 sida laga soo xigtey  Flavio Di Giacomo oo ah afhayeenka ururka caalamiga ah ee soo galootiga(IOM).

Dadka soo galootiga ah ee ka soo gudbayay dalka Giriiga kuwaasoo u gudbayay g wadamada qaarada Yurub ayaa hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo markii ay heshiis gaareen bishii March ee sanadkan Midowga Yurub iyo dowlada Turkiga.

Sidoo kale tirada dadka soo galootiga ee isku dayay inay ka soo gudbaan dalka Giriigga oo kumanaan ruux gaarayay maalin walba sanadkii la soo dhaafay ayaa haatan waxa ay noqdeen kuwo ka yar tobaneeyo. Inkabadan saddex kun oo soo galooti ah ayaa ku dhintey badda iyagoo doonayay inay gaaraan dalka Giriigga tan iyo bilowgii sanadkan taasoo ah mid ka badan boqolkiiba kontan tii sanadkii hore ee 2015.

Xigasho;AFP