Taliyeyaasha AMISOM oo Muqdisho ugu furmay shir dib loogu eegayay howlaha horyaal (Sawiro)

Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir dib loogu eegayo howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sugida amaanka doorashada Soomaaliya ka dhaceysa dhamaadka sanadkaan.

Shirkaan ayaa waxaa shir guddoominayay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Franis Madeira iyo Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle.

Shirkan oo magaalada Muqdisho ka furmay  ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista howlgallada AMISOM iyo arrimaha hor yaala oo ay ugu horeysay sugidda ammaanka doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Subagle uu sheegay inay doonayaan xoojinta awoodda ciidamada Qaranka Soomaalida iyo sidii wadajir ay howlgallada ugu sameyn lahaayeen labada dhinac.

Ambassador Madiera ayaa u sheegay taliyeyaasha qeybaha AMISOM in aysan jirin qaab loo joojiyo shaqada AMISOM iyadoo aan la gaarin ujeedkii laga lahaa oo ah soo celinta dowladnimada Soomaaliya.

Taliyeyaasha qeybaha AMISOM ee ka howlgala gobollada dalka ayaa la isugu keenay Muqdisho si taliyaha cusub ee AMISOM ay isu bartaan, isla markaana loo qorsheeyay qaabka cusub ee AMISOM u howlgeli doonaan.

shir-saraakiil-amisom-1 shir-saraakiil-amisom-2 shir-saraakiil-amisom-4 shir-saraakiil-amisom-5 shir-saraakiil-amisom-6 shir-saraakiil-amisom-7 shir-saraakiil-amisom-8 shir-saraakiil-amisom-9 shir-saraakiil-amisom-10 shir-saraakiil-amisom-11 shir-saraakiil-amisom-12