(09/08/2016) Kulan Horumarinta Af-Soomaaliga oo looga shiray Muqdisho

Kulan looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa, kaalinta doorka hooyadu ka qaadan karto horumarinta Af-Soomaaliga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay wadajir u qaban qaabiyeen akadeemiyo-goboleedka Af-Soomaaliga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka kala tirsan hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha akadeemiyo-goboleeddka Af-Soomaaliga, Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka warbixiyay, daannooyinka iyo bur-burka gaaray Af-Soomaaliga.

Wuxuu kaloo sheegay, in Af-Soomaaliga ay ku soo badanayaan ereyo uu ugu yeeray Af-dileyaal oo waxyeello u geystay Afka, loona baahan yahay in la iska kaashado badbaadinta afka hooyo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale  ayaa sheegay in maamulkiisu uu gacan ka geysanayo horumarinta kaalinta hooyada Soomaaliyeed ay ku leedahay daryeelka afkeenna.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee baarlammaanka Soomaaliya, Maryan Cariif Qaasim oo hadal ka jeedisay gabagabdii kulanka ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay horseed ka noqonnayaan dadaallada lagu badbaadinayo Af-Soomaaliga.

Shirka ayaa waxaa ugu dambayn laga soo saaray, qodobbo loo arkay inay fududaynayaan, daryeelka Afka hooyo, sida wacyigalin joogto ah, abaabulka ol-ole lagu horumarinayo Af-Soomaaliga reer miyiga, furidda xarumo lagu barto Afka iyo xaqiijinta erey bixinta waxyaalaha ku cusub Af-Soomaaliga.