(09/08/2016) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr. Hadliye oo Muqdisho kula kulmay Safiirka cusub ee Mareykanka (Sawiro)

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiira gelinta Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa maanta xarunta Safaaradda Mareykanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho kula  kulmay Safiirka Dowladdaasi  ee fadhigiisu yahay Muqdisho Mr Stephen M. Schwartz.

Kulankaasi waxay labada dhinac ay uga wada hadleen arimo u badan xiriirka labada dal iyo kordhinta taageerada mareykanka uu siiyo soomaaliya.

Shirkaasi oo qaatay muddo saacad ku dhow ayaa labada mas’uul waxa ay kaga wada hadleen sidii labad dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca siyaasadda amniga iyo mustaqbalka dhaqaalaha.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya u sheegay in Mareykanka Soomaaliya uu muddo dhinacyo badan ka ka taageerayay, hadana uu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo taageerada uu soomaaliya siiyo gaar ahaan dhincayda horumarinta siyaasadda,amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo dhirra gelinta maalgashiga Soomaaaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa uga mahad celiyay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen M. Schwartz sida Dowladda Mareykanka ay mar walba diyaar ugu tahay taageerada iyo garab istaagga Soomaaaliya.

Ugu dambeyn wasiirka arimaha dibadda iyo dhiira gelinta maalgashiga soomaaliya ayaa safiirka mareykanka ee soomaaliya waxa uu ka gudoomay salaan uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya kaga waday madaxweynaha mareykanka Mr: Brack Obama taasoo safiirka u marsiiyay Wasiirka Arimaha Dibada soomaaliya.

safiir mareykan1 safiir mareykan2 safiir mareykan