10 qof oo lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Baay

Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku dhintay dagaal Al-shabaab iyo ciidamada dawlada ee SNA iyo kuwa Koofur-galbeed oo is kaashanayay shalay galab ku dhex maray deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay. Ciidamada Koofur-galbeed oo ah maamul hoostaga dawlada Federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday sida lasoo tabiyay xubno ka tirsan Al-shabaab oo deegaankaa ku sugnaa.

Al-shabaab ayaa fariisin ay leeyihiin waxaa soo weeraray ciidamadaa halkaa oo khasaaraha dhimasho maahee dhaawacna uu ka dhashay. Dagaalka ayaa dadka ku dhintay waxay dhammaantood ahaayeen darafyadii halkaa ku dagaalamay.

Dadka rayidka ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in wax ka dhintay aysan jirin. Dagaalo kale oo kooxahaa hubeysan dhexmaray ayaa waxaa laga soo sheegay deegaano kale oo isla gobolkaasi Baay ka tirsan sida Goof-gaduud