100 Ka Tirsan Shabab oo Lagu Dilay Baay.

100 Ka Tirsan Shabab oo Lagu Dilay Baay.


us drones

Mareykanka ayaa sheegay in weerar ay u adeegsadeen diyaarad nooca Dronka ah oo ay ku dileen in ka badan 100 ka tirsan maleeshiyada al-shabab, meel ka tirsan gobolka Bay.

Hadalkaasi ayaa waxaa shaaciyay Taliska Howlgalka Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM).

Saraakiil Milatary ayaa u sheegay VOAda in Duqeyntii dhacday Talaadadii shalay ay beegsatay xero tababar oo ay Al-shabab ku laheyd Gobolka Baay, deegaan qiyaastii 200 kilomitir u jira magaalada Mudisho, oo ay dadka deegaankuna sheegeen inuu u dhaxeeyo Buur-Hakaba iyo Diinsoor.

Wariyeheenna Nuur Xassan Nuur ayaa duqeyntan ka wareystay, Gudoomiyaha Degmada Buur Hakaba Maxamed Ibrahim Nuur.