Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safar ku tagay magaalada Baydhabo ee maamulka Koofur Galbeed, iyadoo socdaalkiisa la xiriiro u kuur gelida xaalada magaalada iyo wadatashiyo uu la yeelanayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan.

Mr Kheyre ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, waxaana uu sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa booqday Jaamacadda Kheyre  oo dhowaan loogu magac daray, kaddib markii uu mushaarkiisa qeyb ka mid ah bixiyay Ardayda dhigata Jaamacadaas.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiira geliyay Ardayda dhigata Jaamacadda inay waxbarashadda ku dadaalaan, isla markaana wixii ay bartaan ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda.

Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.