(10/08/2016) Ilhaan Cumar oo ku Guulaysatay kursiga Baarlamaanka Minnesota ee degmada 60-B

Ilhaan Cumar oo ah gabar Somaliyeed ayaa  si hordhac ah loogu sii caleema saaray in ay noqoto xildhibaanka Barlamaanka Minissota u matali doona degmada 60-B  ka dib tartan adag oo ay la-gashay mushariixiin kala duwan.

Gabadhan ayaa ka guulayasatay haweeynayda mudada dheer kursigan ku soo fadhiday ee Phyllis Kahn iyo waliba Maxamuud Nuur oo ah wiil Soomaaliyeed ,kaasi oo isna loolan adag u soo galay sidii uu ugu guulaysan lahaa kursigan.

“Waxaan u baahan-nahay hogaamiyayaal badali kara bulshadeena ,waxaa jira dhalinyaro tiro badan oo shaqo la’aani ay hayso “ ayuu  yiri Xasan Cabdi oo kamid ah Soomaalida Minneapollis ,kaasi oo markii ugu horeysay codkiisa dhibtay shalay.

“Marka la joogo wadankaygi hooyo ,Rag-ga ayaa ku awood badan dhinac kasta ,tani waa fursadda kaliya ee aan ku muujin karno in haweenka ay samayn karaan wax walba oo ay rag-gu awoodaan “  ayuu mar kale yiri ka dib markii uu codkiisa ka soo dhiibtay Brian Coyle.

Ayuub Shariif oo isna codkiisa ka soo dhiibtay halka lagu magacaabo Cedar-Riverside ayaa sheegay in uu usoo codeey Ilhaan ,isaga oo xusay in hadda ka hor ay ka caawisay in qoyskiisa uu ka soo dhoofsado dalka Kenya .

Maxamed Jaamac oo la taliye dhinaca ololaha u ah Ilhaan ayaa sheegay in ay dhici karto in dadka codaynaya aan la siinin tilmaamihii saxda ahaa ee doorashada isaga oo cabasho arinta la xiriirta u gudibiyay garyaqaanka jooga Brian Coyle Center oo ah halka ay dad-badani codadkooda ka dhibanayeen.

Ugu danbayn ,Soomaali badan ayaa siyaabo kala duwan u soo dhaweeyay guusha Ilhaan Cumar ,waxaana lagu wadaa in doorashooyinka guud oo dhici doona bisha Novembar ay si rasmi ah u noqoto xildhibaanad-da barlamaanka Minisota u matali doonta degmada 60-B.