(10/08/2016) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la kulmay Ganacsato Soomaaliyeed (Sawirro)

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga Madaxtooyada ee Jamhuuriyada Jabuuti ku qaabilay Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Nuur Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Golaha.

Kulankan ayaa ahaa mid la isku dhaafsaday fikrado kala duwan iyo talooyin, iyadoo Madaxweynaha Jabuuti uu ka mahad celiyay horumarka ganacsi ee ay ku tallaabsadeen.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa kula dar daartay Ganacsatada sidii ay isugu xirmi lahaayeen, isla markaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo kulanka markii uu soo dhamaaday saxaafada uga warbixiyay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti ay uga mahad celiyeen waxqabadkiisa, iyo baaqiisa ku aadan in Ganacsatada Soomaaliyeed ay Jabuuti ganacsiyo ka furtaan.

Sheekh Axmed Nuur Jimcaale ayaa sidoo kale uga mahad celiyay madaxweynaha Jabuuti garab istaaga iyo taageerada uu u muujiyay Ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo xusay in markii Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed xafiiska ka furteen Jabuuti sanadkii 2007 ay Ganacsatadu ku tallaabsadeen horumar kala duwan.

Ugu dambeyn shirweynaha Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed ee ka dhacay dalka Jabuuti ayaa waxaa mar kale Guddoomiye loogu doortay Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo bishii hore laga saaray liiska waxa loogu yeero argagixisada.

jabuti7jabuti
jabuti2jabuti3 jabuti4 jabuti6
jabuti1