(11/08/2016) Diyaaradda Air Jabuuti oo muddo 14 sano kadib bilowday duulimaad rakaab ah (Sawirro)

Shirkadda Diyaaradaha ee Air Jabuuti ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda rakaabka, kadib markii diyaarada ay shaqadeeda joojisay sanadkii 2002.

Diyaaradda Air Jabuuti oo lagu naaneyso diyaarada badda cas ayaa la aas aasay sanadkii 1963, waxaa ay ka mid aheyd shirkadaha diyaaradaha ee ugu weyn Qaaradda Afrika.

Sanadkii 2015 ayay aheyd markii diyaarada Air Jabuuti ay bilowday duulimaad dhinaca xamuulka, hase ahaatee waxaa ay sanadkan 2016 ay toos u bilaabi doontaa duulimaad rakaab ah.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xariga ka jaray xaflada furitaanka ee diyaarada oo dib loo casriyeeyay, waxaana nooca diyaarada ee rakaabka ay tahay Boeing 737-400.

Shirkadda Air Jabuuti ayaa duulimaadkeeda ku bilaabi doonta Dubai, London iyo Paris, waxaa ay dhamaadka sanadkan ay duulimaad toos ku tagi doontaa magaalada Mombay ee dalka India.

Diyaaradda Air Jabuuti ayaa waxay taageero ka heli doontaa shrikada Cardiff Aviation ee fadhigeedu yahay dalka Malta.

Shirkadda Diyaaradaha Air Jabuuti ayaa tartan la geli doonta shirkadaha diyaaradaha ee Kenya Airways iyo Ethiopian Airlines oo ah labada shirkad ee ugu weyn Geeska Afrika.

air jabuti1 air jabuti2 air jabuti3 air jabuuti