(12/08/2016) Dalka Thailand oo ku waaberiistay qaraxyo horleh – 4 ku dhimatay

Thai rescue workers attend to an injured man after a small bomb exploded in Hua Hin on August 12, 2016. At least four people have been killed in eight bomb blasts that have hit across Thailand in the past 24 hours, in the resort town of Hua Hin and southern provinces, authorities said. / AFP / APF / MUNIR UZ ZAMAN (Photo credit should read MUNIR UZ ZAMAN/AFP/Getty Images)

Wararka ka imaanaya dalkaasi Thailand ayaa sheegaya in halkaasi xalay iyo saakay aroor ay ka dheceen qaraxyo horleh oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyadan oo soo bilowday shalay subax ayaa waxaa lala beegsaday magaalooyinka ay ku badan yihiin dalxiisayaasha ee Phuket iyo Hua Hin.

Ilaa iyo iminka waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar ruux, walow ay intaasi kasii badan karto khasaaraha dhimasho.

Qaraxyada saakay oo Jimco ah dhacay ayaa waxaa lala beegsaday saldhig boolis oo ku yaal magaada Surat Thani oo ku taal koonfurta dalkaasi.

Sidoo kale labo qarax oo hor leh ayaa waxa ay saakay ka dheceen magaalada Hua Hin, waxaana tirada qaraxyo ee saakay iyo shalay dhacay marka la isu geeyo noqonayaan ilaa sideed qarax.

Wali lama hayo cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi.