(12/08/2016) Maamulka Galmudug oo sheegay in Ciidamo AMISOM la geynayo Cadaado

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamo AMISOM oo ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka la geynayo degmada Cadaado, halkaasoo ka mid ah goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka aqalka hoose iyo aqalka sare.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in maamulkiisa ay dalbadeen Ciidamo AMISOM ah, si ay u sugaan ammaanka, maadaama aanay ku fulneyn sugida amniga xilliga ay dhaceyso doorashada.

“Waxaa soo dhow waqtigii ay dhici laheyd doorashada, Cadaado waxay ka mid tahay meelaha ay doorashada ka dhaceyso, waxaa dhowaan tahaya Ciidamo AMISOM oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowaan Cadaado ay ku shaqeyn doonaan Guddigii doorashooyinka dowlad goboleedyada, isla markaana ay soo xuli doonaan Xildhibaanada aqalka hoose iyo aqalka sare.

Waxaa uu sheegay in Cadaado lagu soo xuli doono 36 Xildhibaan iyo 8 Senator oo ka tirsan Aqalka sare, waxaana uu rajo ka muujiyay in dhamaan howlahaas ay noqon doonaan kuwo lagu guuleysan doono.

Degmada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa sanadkii 2015 waxaa ku sugnaa Ciidamo ka socday Itoobiya oo ka qeyb qaadanayay sugida amniga ee Dhismihii Maamulka Galmudug.