(August 13,2016) Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar Oo Sagootiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo golaha wasiirada DDSI ayaa galinkii danbe ee maanta sagootiyay madaxwaynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo waftigisii kusugnaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba waftigan oo mudo 3 maalmood ah khibrad wadaag iyo aqoon korodhsi ujoogay xarunta deegaanka ayaa loo sii qaaday gagida diyaaradaha caalamiga ee garaad wiil-waal. Waxayna halkaa uga socdaaleen dhanka xarunta dalka soomaaliya ee magaalada muqdisho iyadoo ay mas’uuliyiinta xukuumada DDSI gagida diyaaradaha taagnaayeen tan iyo intay diyaarada waftigu hawada galaysay.

cakaaaranews.com