(12/08/2016) Madaxwayne Putin Oo Xilkii ka Qaaday Madaxii Aqalka Kremilinka Sergei Ivanov

Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa si lama filaan ah waxa uu shaqadii uu hayay ka fariisiyay madaxii shaqaalaha madaxtooyada Ruushka Sergei Ivanov isagoo ka dhigay wakiilka arrimaha deegaanka iyo gaadiidka.

Mr Ivanovo oo 63 sano jir ah ayaa ka mid ahaa dadka ugu dhowdhow madaxweyne Putin kuwaasoo uu aaminka ku qabo sanooyin badan.

War ka soo baxay aqalka Kremlinka ayaa lagu sheegay in in madaxweyne Putin uu ku dhowaaqay in waajibaadkii ka saarnaa maamulida madaxtooyada Ruushka laga wareejiyay Ivanov iyadoo aan wax sabab ah la sheegin.

Xilkii uu hayay Ivanov ayaa loo magacaabay ku xigeenkiisii Anton Vaino oo 44 jir ah kaasoo illaa iyo 2012 ahaa kaaliyihii Ivanov.

Hase yeeshee Mr Putin ayaa u sheegay taleefishinka Russian TV in Mr Ivanov uu weydiistay in uu baneeyo xilkaas isagoo weliba ku taliyay in uu buuxiyo booskiisa Mr Vaino.

Ivanov ayaa si wadajir ah waxa ay iskala soo shaqeeyay Putin hay’adii sirdoonka Midowga Soofiyeti KGB, waxana loo magacaabay madaxii shaqaalaha Kremlinka dhamaadkii 2011 dhowr bilood kahor dib u doorashadii Putin ee 2012.