15 Hayaddood Oo U Dooda Xuquuqda Aadamaha Ayaa Muuse Biixi Ku Dhaleeceeyey Ku Xadgudubka Iyo Ku Tacadiga Xoriyadal Qawlka

Baaqa hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku soo beegmaya wakhti sadexdii bilood ee ugu dambeeyey ay xukuumada Muuse Biixi xabsiga u taxaabtay shan wariye isla markaan xidhay laba ka mid ah telefishanada madaxa banaan ee ka hawl gala dalka.

Hay’addahan oo Muuse Biixi dhambaalkooda u soo diray bishan 06/06/2018 ayaa sheegay in loo baahan yahay in hogaamiyaha somaliland uu masuuliyad iska saari ilaalinta xoriyada hadalk ee saxafiyiinta iyo tan muwaadiniintaba.

Sidoo kale dhambaalka Muuse Biixi la soo gaadhsiiyey ayaa lagu sheegay in la qabtay isla markaana la xidhay dhawr qof oo la sheegay in lagu eedeeyey inay dawlada ku dhaliileen baraha bulshada, kuwaas oo lagu xukumay xadhig gaadhaya sadex sanadood.