Jaamacada Camuud Oo Cabdinaasir Buuni Ka Eriday Kulliyadii Uu Wax Ka Baranayay

Cabdinaasir Buuni ayaa qoraal ka soo baxay jaamacadda Camuud oo uu arday ka ahaa isla markaasina ka dhigan jaray kuliyadda shareecadda laga eryay.

Qoraalka Jaamacadda ayaa lagu sheegay inuu Cabdinasir isaga oo Arday ah ixtiraami waayay shuruudaha u yaala jaamacadda isla markaasina hadalo uu jaamacadda ku dhaliilayo ka jeediyay warbaahinta kala duwan.

Cabdinaasir oo hadhwanaagnews khadka taleefanka ugu waramaya ayaa sheegay inuu Maqlay Warqada jaamacadda lagaga eryayo balse eedaha ay cuskadeen ayuu ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin.

Warka Oo Muuqaal Ah Goor Dhow HadhwanaagNews Kala Soco.