Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacay Saldhiga Ciidamada Jabuuti Baledweyne

Deg Deg::Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacay Saldhiga Ciidamada Jabuuti Baledweyne

Ururka Al Shabaab ayaa saaka aroortii waxa ay tiro madaafiic ah ku garaaceen Saldhig ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadka Baledweyne ku sugan ayaa sheegaya inay maqleen saaka aroortii tiro madaafiic ah oo Shabaab ay ku soo garaaceen Saldhiga ciidamada Jabuuti, markii laga baxay Salaada Subax.

Madaafiicdaan ayaa la sabuuti soo gaaray.

Wararka waxa ay sheegayaan Saldhiga ciidamada Jabuuti ee la duqeeyay inuu ku yaalo Galbeedka Magaalada Baledweyne.
Shabaab ayaa madaafiicdaan ka soo tuuray duleedka Magaalada Baledweyne, kadibna halkaasi waa ay isaga carareen markii madaafiicda ay soo tureen.
Xaaladda Magaalada Baledweyne ayaa ah hadda mid degan, inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay ku baxeen goobihii heegay qaarkood inay ku dhaceen Saldhiga Ciidamada Jabuuti, inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada JShabaab madaafiicda ay ka soo tuureen.

PROMOTED CONTENT