Shirkii Amniga Qaran oo Maalintii labaad galay iyo Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad Ka jeediyey Shirka (Sawiro)

Shirkii Amniga Qaran oo Maalintii labaad galay iyo Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad Ka jeediyey Shirka (Sawiro)

Muqdisho (Kalshaale) Waxaa maalintii labaad galay shirka ka socda magaalada Muqdisho ee loogu magac daray “Somali Partnership Forum”, waxaana shirka maanta diiradda lagu saarayaa, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, bani’aadanimada iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay horumaradii ay gaartay dowladdiisa lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaa uu sheegay inay horumar ka sameeyeen arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday inay dowladdiisa xoogga saari doonto hirgelinta Federaalka, iyo sidii doorasho qabsoonta sanadka 2020.

Waxaa uu ugu baaqay dalalka iskaashiga la leh Soomaaliya inay maalgashi ku sameystaan dalka.

Shirka ayaa waxaa la filayaa inuu soo xero Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa xilligan khudbado ka jeedinaya wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay halka uu marayo geeddi socodka dib u eegista Dastuurka KMG.