Maxaa loogu diiday xulka kubadda cagta ee Iiraan Kabahii ay ku cayaari lahaayeen?

Shirkadda Nike ee samaysa dharka cayaaraha waxay sheegtay inay joojisay kabihii ay ku wareejin jirtay cayaartoyda xulka kubadda cagta ee Iiraan saacado yar uun ka hor inta aysan billaabanin cayaaraha Koobka Adduunka.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu ka qayb yahay cunaqabataynada cusub ee lagu soo rogay dalkaasi.

Arrintani waxay walaac ku abuurtay cayaartooyda reer Iiraan uu hogaamiyo macalin Carlos Queiroz oo ka codsaday FIFA inay caawiyaan cayaartoydiisa.

 

Carlos Queiroz, macalinka kooxda kubadda cagta ee Iiraan wuxuu yiri ” waxaanu nahay maamulayaal dhanka cayaaraha ah, kumana lug lahaan karno go’aankani balse waxaan ka codsanaynaa FIFA inay na caawiso”

Queiroz oo horaan hoggaamin jiray kooxda qaranka ee Portugal iyo kooxda Real Madrid ayaa sheegay in cayaartoyda ay kabaha si wayn u isticmaalaan islamarkaasna ma ahaan in shirkadda Nike ay joojiso Kabihii ay ku cayaari lahaayeen koobka adduunka.

Dad badan oo Iiraan u dhashay waxay olole cabasho ka billaabeen baraha bulshada oo ay uga jawaabayaan go’aanka shirkadda Nike, waxayna kusoo qoreen “Dooni mayno Nike”

Mid kamid ah dadka isticmaala Twitter-ka ayaa yiri ” Iiraan markii ay diiday inay la cayaarto Israa’iil waxaa la yiri faragelin siyaasadeed ayaa lagu haya cayaaraha balse markii Nike ay diiday inay ciyaartoyda kabihii ay ku cayaari lahaayeen ay ku wareejiso cunaqabataynta saaran darteed, Fifa waxbo kama aysan dhihin”

 

Qof kale ayaa Twitter-ka hadaladan kusoo qoray “Nike waa shirkad gaar loo leeyahay hadafkeedu yahay inay qanciso kuwo qaybta ah shirkaddan, wax ay soo kordhinaysa ma lahaan in Nike ay diido inay Kabaha kusoo wareejiso cayaartoyda qaranka ee Iiraan.

Go’aanka Nike ay ku joojisay Kabahii ay ku wareejin lahayd cayaartoyda Iiraan saamayn kuma yeelan doono in kooxdan uu ka hor istaago inay ka qayb gasho Kooba adduunka.

Xiriirka kubadda cagta ee Iiraan waxay xiriirka u jareen kooxda Greeka bishii lasoo dhaafay kaddib markii cayaar dhexmartay labada koox la qaadacay kaddib markii xiisad ay soo wajahday kooxaha Greeka iyo Turkiga.