Raiisal Wasaaraha oo dowlada Jabuuti kaga mahadceliyay tababarka ay siiyaan ciidamada Booliska

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyayaasha Booliska iyo Asluubta, ayaa xalay booqday ciidamo cusub oo lagu biiriyay Booliiska Soomaaliyeed kuwaas oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Jabuuti.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariirta tababarka Ciidanka ayaa sheegay in Ciidanka cusub oo laba dufcadood ka kooban ay yihiin dhalinyaro aqoonyahanno ah oo go’aansaday in ay ka qeyb qaataan sugidda amniga dalka, dhawaanna dalka la keenay kadib markii ay soo dhameesteen tababar ciidannimo oo ay kusoo qaateen dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Dawladda Jabuuti uga mahaceliyay sida ay mar waliba u garab taagantahay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed.

“Dawladda Jabuuti ee walaalaheen ah oo noo tababartay ciidanka waxa aan uga mahadcelinayaa dadaalka walaalnimo ee ay mar walba nala garab taaganyihiin. Dhamaan dhalinyarada lasoo tababaray waxa aan leeyahay Hambalyo, kusoo dhawaada dalkiinna, Waxaa idin sugeysa shaqo aad u culus oo ah tan ugu wanaagsan oo qof u qabto dalkiisa taas oo ah difaaca dalkaada hooyo. Waxa aan rajeynayaa in aad uga faa’iideyn doontaan waxa la idin soo baray shacabka Soomaaliyeed iyo dalkiinna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Dawladda Soomaaliya oo xoogga saareysa sidii amniga iyo kala danbeynta dalka loo adkeyn lahaa, amniga guud ee dalkana loogala wareegi lahaa Ciidanka AMISOM ayaa horumarin iyo tababarro joogta ah ku heysa dhamaan ciidamada qalabka sida ee dalka.