54 Xildhibaan oo Kalsoonidii kala noqotay Madaxweynaha Galmudug

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa xilkii ka qaaday madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano gaaraya 54 Xildhibaan, ayaa xilkii si rasmi ah uga qaaday C/kariin Xuseen Guuleed, kadib markii ay soo diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Guuleed, iyadoo maalmahan ay ka doodayeen Xildhibaanada Mooshinkaasi.

Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa u sheegay Warbaahinta in 54-ta Xildhibaan ay u codeeyeen inay xilkii ka qaadeen Guuleed.

Shirka Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ayaa waxaa shir guddoominaayay Xareed Cali Xareed Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada Galmudug iyo masuuliyiinta sare ee Maamulkaasi ayaa cirka isku shareeray, taasi oo keentay in Xildhibaanada ay ku dhawaaqaan maanta inay xilkii ka qaadeen Cabdi kariin Xuseen Guuleed.