Maxkamadda sare ee Gambia oo la filayaa inay dhageysato muranka doorashad

Maxkamadda sare ee dalka Gambia ayaa la filayaa inay dhageysato dacwadda madaxweyne Yaxya Jammeh uu u gudbiyay oo ka dhanka ah natiijada doorashadii bishii hore.

Doorashadaasi waxaa ku guuleystay hogaamiyaha mucaaradka Adama Barrow. Balse, Mr Jammeh wuxuu doonayaa in garsoorayaasha ay xukumaan in Adama Barrow uusan ku guuleysan doorashada, ayna jireen wax isdabamarin.

Qaar ka mid ah garsoorayaasha ajaaniibta ah ayaanan weli u safrin magaalada Banjul ee Gambia.

 

Waxaa ka mid ah garsooraha u dhashay Sierra Leone, Nicolas Browne-Marke. Balse kuwa dalka u dhashay ayaa la filayaa inay kiiska dhageystaan.

Sidoo kale, waxaa lagu warramayaa in wasiirka warfaafinta Gambia uu dalka ka safray. Waxaana la shaaciyay inuu xilka iska casilay.

Maalin weyn oo hubanti la’aan ay jirto ayaa ku soo food leh dalka Gambia. Waxaa laga cabsi qabaa in rahsdo ay ka dhacaan dalkaas.

Madaxweynaha Yaxya Jammeh ayaa markii hore ogolaaday in doorashada looga guuleystay. Balse dib ayuu ka diiday, wuxuuna ku doodayaa in isdabamarin la sameeyay.

Urur goboleedka ECOWAS ayaa isku deyaya in xal siyaasadeed laga gaaro muranka, si looga fogaado in dalka uu qalalaase galo.

 

Madaxweynaha Nigeria, Maxamadu Buhari, oo loo magacaabay dhexdhexaadiyaha ayaa la filayaa in arbacada uu gaaro Banjul.

Safarkaasi waxaa ku wehlin doono madaxweynayaal ay ka mid yihiin Ellen Johnson Sirleaf oo Liberia ka socoto, iyo madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama.

Waxay noqon kartaa tallaabadii ugu dambeysay ee lagu qancinayo Jammeh in uu awoodda si nabad ah u wareejiyo, lana dhaariyo Adam Barrow.

Dhaarinta ayaa la filayaa inay dhacdo 19-ka bishan Janaayo, waa haddii madaxweynaha hadda talada haya uu ogolaado.