Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo ku dhawaaqay xayiraado dhanka socdaalka ah “si Muslimka xagjirka ah looga ilaaliyo Mareykanka”.

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xayiraado dhanka socdaalka ah “si Muslimka xagjirka ah looga ilaaliyo Mareykanka”.

Wuxuu saxiixay amar ku aaddan tallaabooyin laga qaadayo qaxootiga iyo mamnuucidda qaxootiga Suuriya illaa amar dambe.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qiyaastii 50,000 oo qaxooti ah ay galeen Mareykanka sanadkan 2017-ka, taas oo kala bar ka yar tiradii horey loo qaadi jiray.

Wareysi uu siiyay TV, madaxweynaha wuxuu sheegay in masiixiyiinta Suuriya mudnaanta koobaad la siinayo marka ay magangelyo ka codsadaan Mareykanka.

Wuxuu ku saxiiyay amarka munaasabad ka dhacday waaxda difaaca ee Pentagon-ka, halkaas oo lagu dhaariyay Janaraal James Mattis oo noqonaya xoghayaha cusub ee gaashaandhigga dalkaasi.

Intii ay socotay munaasabadda, Trump wuxuu sheegay: “Waxaan billaabayaa tallaabo lagu kala shaadheynayo Muslimiinta si argagixisada aysan Mareykanka u soo galin. Waxaan dalkeena u ogolaaneynaa kuwa na taageeraya dadkeenada aadka u jecel oo keli ah”.

Qoraalka amarka ayaa saacado ka dib la shaaciyay, waxaana ka mid ah:

  • In la hakiyo qaxootiga Mareykanka soo galaya 120 maalmood
  • In la mamnuuco qaxootiga Suuriya “illaa is bedel muhiim ah” laga sameynayo
  • In 90-maalmood la joojiyo dadka ka soo safraya dalalka Ciraaq, Suuriya iyo dalalka noqday “meelaha laga walaaco”
  • In muhiimadda la siiyo codsiyada qaxootiga oo ku saleysan diin – waana in qofka uu ka soo jeedo dad diin ahaa looga tiro badan yahay dalka ay ka soo jeedaan.
  • In la qaabilo 50,000 oo qaxooti sanadkan 2017-ka, taas oo kala bar la yar tiradii Obama uu qaadi jiray

Sidoo kale waxaa amarka ka mid ah in lla weydiiyo dadka Mareykanka galaya su’aalo “lagu ogaanayo sida uu codsiga noqonaayo iyo waxa uu ku soo kordhinayo bulshada”.Sanadkii tagay, Maamulkii Obama wuxuu qaabilay 10 kun oo qaxooti Suuriya u dhashay. Dalka deriska la ah ee Kanada ayaa qaatay 35 kun oo qof oo Suuriya u dhashay.

Xilligii uu ololaha ku jiray Donald Trump wuxuu ballanqaaday “inuu si guud uga xayirayo Muslimiinta inay galaan Mareykanka illaa wakiillada dalkaas ay ka ogaanayaan waxa socdo”.

Balse, taasi kamuusan hadlin tan iyo markii la doortay bishii November.

Tallaabadan uu qaaday madaxweynaha cusub ee Mareykanka waxaa cambaareeyay dimuquraadiyiinta.

Senatarka Dimuquraadiga ah, Kamala Harris, waxay sheegtay in arrintaasi la saxiixo maalin ku aadan xilligii uu dhacay xasuuqii Holocaust “inaysan qalad tahay, waa xayiraad guud oo Muslimiinta la saaray”, ayey tiri.

 

“Waxaa albaabadeena u furnay kuwa ka soo cararaya colaadda iyo dhibaatooyiinka, waxaana sidaas sameeyay madaxweynayaashii labada dhinac.”

“Ayadoo la xasuusanayo Holocaust, ayaa ku guuldareysanay inay dalkeeda soo galaan dad qaxooti ah sida Anne Frank. Ma ogolaan karto in taariikhda ay markale soo noqoto”.

Malala Yousafzai, oo ku guuleysatay abaalmarinta nabadda, sidoo kalena horey ay u dhaawaceen Talibaan ayadoo waxbarashada gabdhaha u ololeyneysa ayaa sheegtay “inay ka niyad jabtay tallaabada Trump”.

“Maanta madaxweyne Trump wuxuu albaabada ka xirtay caruurta, hooyooyiinka iyo aabayaasha ka soo qaxaya dagaallada,” ayey tiri.

 

Aasaasaha barta bulshada ee Facebook, Mark Zuckerburgayaa wuxuu bartiisa ku qoray inuu “ka walaacsan yahay” amarka madaxweynaha maadaama asiga iyo kuwa badan ee Mareykan ah ay asal ahaan yihiin soo galooto.

“Arrimahan aniga xittaa waxay igu yihiin kuwa shaqsiyadeed iyo xiittaa qoyskeyga,” ayuu yiri.

 

“Dhowr sano ka hor, Waxaa macallim ka ahaa fasal ay ardeyda badankooda ahaayeen kuwa aan sharciyo haysan. kuwaas xittaa waa mustaqbalkeena.” ayuu hadalkiisa ku daray.