Mucaaradka Kenya oo dowladda ka dalbaday ciidankooda in Somaliya laga soo saaro

Isbaheysiga isbeddel doonka Dimuqraadiyadda Kenya ee CORD,ayaa  Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta ka dalbaday in Ciidanka Kenya ee jooga Somaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga saaro dalka Somaliya.

Guddoomiyaha CORD Moses Wetangula, ayaa yiri: “tirada askarta kenta ee ku dhimatay Somaliya tan iyo markii loo diray Somaliya waa ay sii kordheysaa,Qoysaska waxaa ay waayayaan wiilashooda waddankuna waxaa dhabar jab ku ah weerarrada joogtada ah ee lagu hayo Ciidanka iyo shacabka”.

Moses ayaa Dowladda ka dalbaday in  sida ugu dhaqsiyaha badan ay Ciidanka uga sarato dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Wetangula ayaa yiri,”tiro badan oo dhimasho ciidankeenna ah oo aanan ogeyn waa murugo,waddanka ayeyna u tahay,Ciidankeenna waxaan u dirnay in ay Argagixisada ka saaraan Keynta Booni ee uma dirin in ay difaacaan waddan kale,waa in ay dalka dib ugu soo laabtaan,difaacaanna sohdimaha dalkeenna”.

Xildhibaan ka  id ah Aqalka sare ee Kenya oo lagu magacaabo Bungoma,ayaa isna yiri”c dhimasho nagu filan waa ay na gaartay,umana sii dulqaadan karno dhimasho aan dheefsi lahayn,wiilasha iyo Gabdhaha Kenya waa in ay dalka dib ugu soo laabtaan”.