Abwaan Budin oo gabay u tiriyay Guulwadayaasha ama kaba leefka

Garo, nolosha qaarkeed,,
Sida taadan gudhanta, ah
Waxa dhaama geerida,,

Hadii guul wadayn iyo
Kabo gurista ruux kale
Risiqaagu uu galay
Gabalkaagii uu dhacay,,

Inkastoo gob laga dhigo
Gunno been ah lagu daro
Abtirsiin gedaadyo leh
Gur rac lagama waayee
Alaylehe gafuuroow
Inad gaasir tahay madhan
Inad gaasir tahay madhan
Gablan ka ah damiirkiyo
Gobonimo u dhalashada
Dadku uu garwaaqsaday

Duqsiguba gidaafiyo
kiiyoo cuna gamaasiin
Godob kama xishoodee
kiiyoo malax ku gudo jira
gedaaduu is giijaa
intuu ganafka taaguu
baalasha gariirshaa

Adiguna garaad xume
Adoo yoolka ii galay
in badan baan gantaalada
gudub kaaga weecshee
haduu galabta kugu dhacay
adaa keenay gocashada

Balse goof xumaaniyo
waxa tahay gal cuduree
noloshaada godanta ah
Gabayada ku waajiba
Mar kalaan gorfayniye
intaa galbta sii hoo,,,