Gudiga Doorashada Ee Heer Fedaraal Ayaa Go’aan Ka Gaaray Maalinta La Qabanayo Doorashada Aqalka Sare Ee Beelaha Waqooyi

Gudiga Doorashada Ee Heer Fedaraal Ayaa Go’aan Ka Gaaray Maalinta La Qabanayo Doorashada Aqalka Sare Ee Beelaha Waqooyi

Gudiga Dorashooyinka dadbadan ee heer fedaraal ayaa maanta waxa uu war kasoo saaray  xilliga ay qabsoomi doonto doorashada xubnaha aqalka sare ee Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

War qoraal ah oo uu Gudigu soo saaraya ayey kaga hadleen xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada aqalka sare ee samai ahaan ay u heleen Beelaha Waqooyi taas oo bilooyinkii lasoo dhaafay uu ka taagnaa muran xoog badan.

Gudiga ayaa cadeeyey in 24-ka bishan la qabanayo doorashada aqalka sare, iyagoo meesha ka saaray muranka kii taagnaa sida loo qeybsanayo xubnaha, iyadoo arinkaas ay tabashooyin ka qabeen Maamul Goboleedka Puntland oo diidanaa in meel kale laga geeyo kuraasta Gobolada Sool iyoSanaag.

Madaxda Madasha ayaa shalay go’aamiyey in Maamul Goboleedka Puntland hal xubin laga siiyo tirooyinkii horey loogu qoondeeyey Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana taasi ay keentay in si rasmi loogu dhawaaqo xilliga la qabanyo doorashada.

Dhinaca kale waxa dib u dhacday doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya, waxaaana dhamaan doorashooyinkaas la qaban doonaa Bisha Janaayo