Al-shabaab oo lagala wareegay deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka Dowladda Soomaaliya, kuwa Jubbaland iyo AMISOM ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Buulo-gaduud oo 35-Km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa weerar ku qaaday deegaankaasi oo maleeshiyada Al-shabaab ay dadka ku dhibaateyn jireen, waxaana weerarkaasi Al-shabaab looga dilay lix kamid ah maleeshiyaadkooda.

Afhayeenka ciidamada AMISOM oo weerarka u xaqiijiyey warbaahinta Qaranka waxa uu tilmaamay in iminka deegaanka Buulo-gaduud ay si xuuxda gacanta ugu hayaan ciidanka Dowladda, kuwa Jubbalabd iyo AMISOM, islamarkaana hada xaaladdu ay dagantahay.

Al-shabaab oo dhibaato ku ah xasiloonida iyo nabadda dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayaa laga saaray inta badan deegaanada gobolada Jubooyinka, oo markii hore meelo badan ay kaga sugnaayeen.