Doorashada aqalka hoose ee HirShabeele oo dib loo dhigay ilaa amar dambe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya doorashada aqalka hoose ee maamulka HirShabeele oo xalay shaqaaqo ay ka dhacday hoolka doorashada sababtay in maanta dib loo dhigo doorashada.

War kasoo baxay gudiga doorashooyinka heer federaal ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay doorashada aqalka hoose ee maamulka HirShabeele ilaa amar dambe.

Magaalada Jowhar waxaa ka socdo kulamo kala duwan oo ay leeyihiin gudiga doorashooyinka heer maamul goboleed iyo xubnaha xalay shaqaaqada ay ka dhex bilaabatay.

Kulamadaasi ayaa la doonayaa in lagu dhameeyo dagaalkii xalay ka dhacay goobta doorashada ee magaalada Jowhar, waxaana gudiga la filayaa iney soo saaraan go’aano arintaasi la xiriirto.

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in waxyaabaha la filayo in lasoo saaro kamid yihiin in ciidamada AMISOM ee ka socdo dalka Burundi lagu wareejiyo xarunta doorashada.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in wasiirka dhalinyarada laga saaro doorashada, wallow aan la xaqiijin.

Go’aanka dib loogu dhigay doorashada aqalka hoose ayaa kasoo baxay gudiga doorashada ee heer federaal, waxaase la sugayaa go’aanka gudiga doorashada ee heer maamul goboleed.

Rasaastii xalay ka dhacday xarunta doorashada magaalada Jowhar ayaa qalqal gelisay shacabka magaalada Jowhar.