Amiir Sucuudi ah oo xorriyaddiisa ku iibsaday in ka badan hal bilyan oo doolar8 Saacadood ka hor

Amiir Sucuudi ah oo xorriyaddiisa ku iibsaday in ka badan hal bilyan oo doolar8 Saacadood ka hor

amiirLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dhowr qof oo ka mid ah in ka badan 200 oo qof oo isugu jira amiirro iyo saraakiil sare oo kal hore bishan lagu soo qabqabtay hawlgal ka dhan ah musuqmaasuq ayaa hadda xabsiga laga sii daayay.

Qofka ugu magaca weyn dadka hadda xabsiga laga sii daayay ayaa ah amiir lagu magacaabo Miteb oo labo usbuuc ka hor markii la soo qabanayay laga xayuubiyay xilka madaxa ilaalada qaranka.

Warka ku saabsan sii deyntiisa ayaa lagu ogaaday qoraallo ay barta Twitterka soo dhigeen qaar ka mid ah xubnaha qoyska reer boqor.

Xarigga Miteb oo tan iyo afartii bishan lagu hayay hoteelka weyn ee Ritz Carlton ayaa ahaa mid ka fajaciyay dad badan maadaama uu ahaa madaxa ilaalada qaranka, xilkaasi oo ahaa xil aad muhiim ugu ah amniga boqortooyada.

Waxaa sidoo kale loo arkayay in uu noqon doono boqorka mustaqbalka ee dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan dalka Sucuudiga ayaa sheegay in amiirkani uu ogolaaday in uu bixiyo lacag ka badan hal bilyan oo doolar si uu xorriyaddiisa uu dib u helo.

Saddex qof oo kale ayaa sidoo kale la sheegayaa in xabsiga laga sii daayay.

Dhammaan shakhsiyaadkani ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq kala geddisan oo qaarkood la sheegay in la geystay tobanaan sano ka hor.