Ugu yaraan afartan askari ayaa loo xirxirey weerarkii iyo baaritaankii lagu sameeyay maanta guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Gorod oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo  lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday guriga  Cabdi Qeybdiid.

Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sarkaal oo falkan lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka codsdaday dowlada federalka inay baaritaan ku sameyso cidii ka dambeysay baaritaanka guriga uu ka degen yahay degmada Hodon,Madaxweyne Farmaajo ayaa amray in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo cidii ka dambeysay falkan lana horkeeno sharciga.