Buhari oo dad dhintay xilal u magacaabay.

Buhari oo dad dhintay xilal u magacaabay

Dad badan ayaa la yabaay in Buhari uu Moowto xilal u magacaaboLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dad badan ayaa la yabaay in Buhari uu Moowto xilal u magacaabo

Madaxweynaha Nayjeeriya Muhammadu Buhari ayaa dad dhintay u magacaabay xilal guddiyo iyo wakaalado dawladda hoos yimaada.

Magacaabidda dhowr qof uu u magacaabay madaxweynaha hay’ado dawli ah ayey dad badani u arkeen khalad si nacasimo ah uga dhacay xukuumadda Nayjeeriya.

Francis Okpozo oo hore Senetor u ahaa, dhintayna Disembar 2016, ayuu magaciisa ka soo muuqday liiska in ka badan 1,400 oo qof oo xukuumaddu xilal u magacwday.

Xilka loo magacaabay ayaa ah inuu hogaamiyo golaha saxaafadda Nayjeeriya.

Ku xigeenkii hore ee taliyaha booliska iyo baadari, kuwaasoo labadaba dhintay horraantii sannadkan, ayaa iyagana xilal loo magacaabay.

Dad badan oo reer Nayjeeriya ah ayaa aad ula yaabay in magacyada dad dhintay lagu arko liiska dadka ay xukuumaddu xilalka u magacawday.

Laakin afhayeen u hadlay madaxweyne Buhari ayaa BBC u sheegay in liiska la diyaariyey laba sano ka hor, sida muuqatana aan dib u eegis lagu samayn ka hor intii aan la shaacin Jimcihii.

Wuxuu sheegay in mowtada liiska ku jirta la beddeli doono.