(August 13, 2016) Wasiirka ugu da’da yar dowladda Swedan, Aida Hadzialic, oo shaqada iska casushay kadib markii la qabtay iyadoo cabsan oo gaari wada.

Wasiirka ugu da’da yar dowladda Swedan, Aida Hadzialic, ayaa shaqada isaga tagtay kadib markii la qabtay iyadoo cabsan oo gaari wado.

Hadzialic, oo 29 jir ah, waa wasiirka waxbarashada sare ee xisbiga midig dhexe ee dowladda dalkaasi, waana wasiirkii ugu horeeyayay ee Muslim ah oo xil ka qabta Sweden.

Waxa ay dhacdadani ku tilmaantay “khaladkii ugu weynaa ay noolasheeda gasho”

Hadzialic, ayaa tagtay dalka Sweden iyada oo jirta Shan sano, waxa ay xilligaa qoyskeeda ka tageen Bosnia-Hercegovina.

Hadzialic, ayaa iyada oo cabsan gaarina wadata lagu istaajiyay buundada isku xirta dalalka Denmark iyo Sweden.

Waxa laga yaabaa in lagu xukumo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii booliska ay baareen khamriga ku jira jirkeeda oo ay sheegeen in uu dhan yahay 0.2 oo ah qaabka lagu ogaado khiyaasta khamriga ee ku jira jirka qofka.

Mar ay sharaxeeysay qaladka ay gashay, ayay sheegtay in ay cabtay laba koob oo khamri ah kadib markii ay tagtay baar ku yaal magaalada Copenhagen, afar saac kadibna ay u sii anbabaxday magaalada Malmo ee ku taal koonurta Sweden.

Hadzialic, ayaa sheegtay in ay u heystay in jirkeeda uu wakhtigaas ka baxayo khamriga.

Iyada oo ka hadleysa go’aanka ay qaadatay oo ah in ay shaqada isaga tagto, ayaa waxa ay saxaafada u sheegtay, in ay doorbiday in talaabadan ay qaado, sababtuna ay tahay in ay aaminsatahay in khaladkii ay sameysay uu ahaa mid weyn.

Dalka Sweden ayaa ka mid ah dallal dhowr ah oo Yurub ka tirsan oo xadiday khamriga ay isticmaalaan darawalada.