(August 13,2016) Madaxda magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa heshiis mataanayn ah la saxiixday magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya.

Madaxda magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa heshiis mataanayn ah la saxiixday magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya.

Sanadkii 2014 ayay ahayd  markii la bilaabay qorshaha xiriirinta labada magaalo, waxaana Minneapolis ay tahay magaalooyinka ugu Soomaalida badan Maraykanka.

Minneapolis waxay noqonaysaa magaaladii ugu horaysay Maraykanka ku taala oo la mataanowda magaalo Soomaliyeed oo ka tirsan dhulka Puntland.

Duqa degmada Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud oo ku sugan magaalada Minneapolis ayaa soo saxiixay heshiiskan.

Faa,iidada mataanayntu leedahay ayaa lagu sheegey dhowr arrimood oo ay ka mid tahay in labada magaalo xiriir toos ah yeeshaan, Si la mid ah isdhaafsadaan khibradaha, Dhaqamadooduna is bartaan.

boosaso-minnebosaso-minne
bos1

bos2

bos3

bos4

bos5

bos6

bos7