(August 13,2016) Isbedelo cusub oo lagu soo kordhiyay Dekeda Muqdisho (Sawirro)

Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo kordhiyay is bedelo cusub,  kaasoo ka qeyb qaadan doona bilicda Dekeda iyo inay la mid noqoto Dekedaha caalamiga ah.

Dib u dhiska lagu soo kordhiyay Dekeda ayaa ka mid ah darbiyo dhaadheer oo laga hirgeliyay dhamaan xeyndaabka Dekeda iyo albaab cusub oo loogu tala galay in lagula socdo badeecadaha Dekeda ka soo baxa iyo kuwa galaya.

Albaabkan cusub ayaa sahlaya in lagula koontaroolo badeecadaha baabuurta sida, iyadoo lagu xirayo qalab casri ah oo Scan lagu ogaanaya inta alaab ee saaran, isla markaana sheegaya hadii hub ama waxyaabo kale ku jiraan.

Sidoo kale albaabkan wuxuu meesha ka saari doonta qatarta ka imaan jirtay inay qalibmaan baabuurta xamuulka, taasoo macnaheedu tahay baabuurta sida xad-dhaafka ah loo soo raro in aysan Dekeda ka soo bixi karin, maadaama ay horay u dhaceen baabuur si aad ah loo soo raray in magaalada gudaheeda ku qalibmeen.

Maamulka Dekeda Muqdisho ayaa soo dhoweeyay is bedelada cusub ee lagu soo kordhiyay Dekeda Muqdisho, taasoo la filayo in mustaqbalka ay la jaan-qaado dekedaha caalamiga ah ee Caalamka ka jira.

Tan iyo Markii Shirkada Al-Beyrak la wareegtay howlaha Dekeda Muqdisho ayaa waxaa lagu soo kordhiyay adeegyo kala duwan iyo is bedelo dhinaca ganacsiga, iyadoo dhaq dhaqaaqa dekeda ee dhanka shixnadaha ah ay sare u kacday kadib markii la casriyeeyay aaladaha fududeeya shixnada ( daalac iyo naazilba).

is bedel dekeda is bedel dekeda-4 is bedel dekeda1 is bedel dekeda2 is bedel dekeda4is bedel-dekeda7is bedel dekeda8 is bedel dekeda6