(August 13,2016) Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay Hoggaamiyihii ISS ee Afghanistan

Hafiz Saeed Khan oo ah Hoggaamiyaha kooxda isugu yeertay dowladda Islaamiga ee IS ee dalalka Afghanistan iyo Pakistan ayaa lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad Drone ah.

Weerarkan oo dhacay bishii la soo dhaafay ayaa la rumeysan yahay in hoggaamiyahan lagu dilay Gobolka Nangarhar ee bariga dalka Afghanistan.

Sirdoonka Afghanistan ayaa sheegay in ninkan sanadkii hore lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad Drone ah, hase ahaatee Kooxda IS ayaa beenisay, waxaana ay sheegtay inuu ka bad baaday.

Mareykanka ayaa jimcihii shalay sheegay in weerar cusub oo ay fulisay diyaarad Drone ah 26-kii bishii July ay aamisan yihiin in lagu dilay Hafiz Saeed Khan.

Weerarkan ayaa dhacay saddex maalmood kadib markii kooxda IS ay fulisay weerar is qarxin ah oo dad badan ku dhinteen, kaasoo lagu qaaday qowmiyada laga tirada badan yahay ee shiicada ah ee loo yaqaano Hazara.

 

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Gordon Trowbridge ayaa sheegay in Saed Khan lagu dilay duqeyn, balse ma sheegin in loo isticmaalay diyaarad drone ah iyo in kale.

Kooxda IS ayaa ku xooggan bariga dalka Afghanistan, iyadoo gacanta ku haya gobolo ay horay ugu xooganaayeen Kooxda Taliban oo xurguf kala dhaxeeya.