(August 13,2016) Askari madaxa looga toogtay magaalada ay ciyaaraha Olombikadu ka socdaan ee Rio

Askari ka tirsanaa ilaalada ciyaaraha Olombikada ee ka socda caasimadda dalka Brazil ee Rio de Janeiro ayaa madaxa kaga toogtay kaddib markii ay soo weerareen kooxo hubeysan

Falkan toogashada ah ayaa dhacay xilli askarigan iyo labo asxaabtiisa ciidamada ah ay gaari la galeen goob ay daggan yihiin dadka fuqurada ah oo ku taalhalka ay ciyaaruhu ka socdaan.

Ciidamada gaarka ah oo howlgal ka bilaabay goobta askariga lagu toogtay ayaa waxaa ay ku dileen wiil 19-jir ah oo aan waxba galabsan xilli ay ku dabajoogeen nin la tuhunsan yahay.

 

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabay Helio Vieira, waxaana uu ahaa da`aadda 37-jirka.

Ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka socda caasimadda dalkaasi Brazil ayaa waxaa gaar ka haya ciidamo tiradooda lagu sheegay 85.000 oo askari.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii bas siday koox wariyayaal ah oo loo waday garoon ciyaaro ka socdaan lagu weerarar bastoolad, muraayadaha qaarna laga daadiyay.