(August 14,2016) Dowladda oo sheegtay in raashinkii mucaawinada ee ka yimid dalka Masar uu yahay mid dhacay


Wasaarada arimaha gudaha ee dowladda federaalk Soomaliya ayaa maanta soo bandhigtay Raashin halaabay oo la sheegay in dowladda Masar u soo dirtay dalka Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalka C/rashiid Xidig, ayaa Saxaafadda u sheegay maanta in raashinkani uu yahay mid halaabay oo shacabka Soomaaliyeed aanan la siin karin.
Wasiir Xidig ayaa sheegay Deeqda ay soo dhiibtay Dowladda Masar oo ka koobnaa shixnado kala duwan ayaa todobo-Kunteenar oo ka mid ah shixnadani inay noqdeen raashin halaabay oo aan la’isticmaali karin.
“Waxan rabaa inaan cadeeyo in raashinkii ay soo dirtay Dowladda Masar, oo idinka aad indhihiina ku arkeysaan inuu yahay mid aanan la isticmaali karin, lana siin Karin shacabka Soomaaliyed.”, ayuu yiri Mr. Xiddig.
wuxuuna raacsiiyay in qaladka uusan ka imaan Dowladda dalka Masar ee uu kayimid shirkadii alaabtani ku soo gurtay Konteenarada.