(August 14,2016) Maxkamadda dambiyada culus ee Puntland oo xakun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Garowe

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland-Soomaaliya ayaa xakun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Xakunka dilka toogashada ah ayey maxkamadda ku fulisay Gashaanle dhexe Cayduruus Maxamad oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Puntland sida uu warbaahinta u sheegay xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Cabdikariin Xasan Firdhiye,

Xeer ilaaliye Cabdikariin Xasan Firdhiye ayaa intaasi ku daray in marxuumka qisaasta lagu fuliyey uu dilay Ex laba xidigle Cabdiweli Faarax Ismaaciil.

Goobta ay ka dhacaysay qisaasta ayaa waxaa ku sugnaa maamulka gobalka Nugaal, kan degmada iyo saraakiisha amniga.

Maxkamadda ciidamada qalabsida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa xakuno ku fulisa dad ku edeedeysan falalka argagixisanimada iyo ciidamada noocyadooda kale duwan.