(August 15,2016) Madaxweynaha Mareykanka oo xaalad deg-deg ah uga dhawaaqay gobolka Louisiana, USA

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa xaalad deg-deg ah uga dhawaaqay gobolka Louisiana kaddib markii ay soo wajeheen dabeylo roob wata oo harqiyay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dad kor u dhaafaya siddeed iyo toban kun (18.000) ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay laga barakiciyay guryohooda oo ay daadadki qaadeen ama looga cabsaday in ay qaadaan.

Ilaa iyo iminka waxaa la xaqiijiyay dhimashada shan ruux oo ay dabeylaha iyo daadadku sababaeen.