(August 15,2016) Faah Faahin: Ciidamo Soomaali iyo Mareykan oo labo howl gal ka fuliyay Koofurta Somalia

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka oo taageeraya kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa labo howl gal oo gaar ah ka fuliyay Koofurta Soomaaliya, afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Howl galkan ayaa la sheegay in lagu dilay illaa 30 dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan wali la heyn warar xaqiijin kara arrintan.

Wakaalada Wararka Shiinaha Xinhua oo soo xiganeysay ilo wareedyo ku dhow dhow Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howl galada ay dhaceen 10-kii bishan iyo 13 bishan, kaasoo lagu bartilmaameedsaday saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe.

“Ciidamada Mareykanka oo taageeraya Kumaadooska Soomaaliya, waxay weerar ku qaadeen Saakow, oo ay ku dileen 30 dagaalame, howl gal gaar ahaa oo dhacay intii u dhaxeysay 10-13 Agosto, xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay”sidaas waxaa Wakaalada wararka ee Xinhua khadka taleefanka ugu sheegay Sarkaal ka gaabsaday magaciisa.

Xinhua ayaa intaa ku dartay in Sarkaalka uu u sheegay in loo maleynayo in Hoggaamiyaha Al-Shabaab lagu dilay howl galka.

Sidoo kale Wakaalada Xinhua ayaa sheegtay in Afhayeenkii Al-Shabaab Abuu Muscab iyo nin magaciisa lagu sheegay Abu Omar iyana lagu dilay howl galka.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya, inkastoo uu jiro tuhunka ah in howl gal ka dhacay Saakow, hadana ma cada cida la bartilmaameedsaday.

Warar soo baxayay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in isgaarsiinta deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe ay hawada ka maqan tahay.

Ciidamo Mareykan ah oo taageeraya Kumaandooska Soomaaliya ayaa horay howl gallo qorsheysan ka fuliyay Koofurta Soomaaliya.