(August 15,2016) Usain Bolt oo Taariikh cusub ka dhigay Tartanka Olympic-ada Aduunka

Ninka Orodka ku caan baxay ee u dhashay dalka Jameeca Usain Bolt ayaa taariikh cusub waxa uu ka dhigay orodka 100m , waxa uuna mar kale uu ku guuleestay bilada Dahabka tartanka Olombikada ee ka socda dalka Brazil.

Usain Bolt oo ah orodyahanka ugu dheereeya caalamka ayaa taariikh cusub dhigay, kaddib markii uu markii saddexaad ee isku xigta uu ku guulaystay tartanka 100m ee Olympic-ada Adduunka.

Orodyahankan ayaa ku guuleestay markii sedexada oo xariir ah Orodka 100m ee tartanka Olympic-ada Aduunka, waxa uuna horey bilado dahab ugu qaatay uguna guuleestay Orodkan Ciyaarihii Olympic-ada ee 2008-dii lagu qabtay Beijing iyo middii London 2012.

Usain Bolt ayaa xalay guuleestay kadib markii Orodka 100-m ku orday 9,81 ilbiriqsi, waxa uuna ka guuleestay oo meel cidlo ah uga tagay Orodyahanka kale ee xifaaltamaan una dhashay Mareykanka Justin Gatlin.