(August 16,2016) Qaar ka tirsanaa maxaabiista xabsiga Gontanamo oo loo wareejiyay Imaaraadka Carabta.

Qaar ka tirsanaa maxaabiista xabsiga Gontanamo Bay ayaa waxaa loo wareejiyay dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa iminka kusoo haray tiro dhan dhowr iyo lixdan maxbuus oo qura Gontanamo. Arintan haatan la sameeyay ee ah u wareejinta maxaabiistaa dalka Imaaraadka ayaa qeyb ka ah dadaal dawlada Mareykanku kudooneyso inay maxaabiista halkaa kujira kudhinto.

Dadaalkaa ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaal lagu doonayo in ugu dambeyn maxaabiista oo dhan halkaa lagaga saaro dabadeedna la xiro. Xabsiga Gontanamo Bay ayaa kuyaala dalka Cuba laakiin waxaa leh oo maamula Mareykanka.

Halkaa ayaa tobanaan sano muddo gaarsiisan waxaa ku xirnaa dad u badan Muslimiin looga shakiyay falal ammaan darro. Si kastaba ha ahaatee in badan oo maxaabiistaa ah maxkamad caddaalad ah lama soo taagin waxaana ururada xaquuqul insaanka u dooda ay in badan sheegeen in maxaabiistaa aan si caddaalad ah loola dhaqmin ee xadgudubyo lagula kaco.

Kadib eedo badan oo ka yimid xaalada xabsigaa iyo maxaabiista ku jira ayaa Barack Hussein Obama markii uu damacsanaa in uu noqdo madaxweynaha Mareykanka uu ballan qaaday inuu xiri doono xabsigaa balse weli ilaa hada lama xirin