(August 16,2016) US: Nin loo xiray dilalka imaamkii muslimka ahaa iyo adeegihiisa ee magaalada New York

Sabtidii lasoo dhaafay waxaa magaalada New York lagu dilay nin imaam ka ahaa masjid ku yaal magaaladaasi iyo adeegihiisa kuwaas oo xabado bastoolad lagu dilay.

Boliska magaalada New York ayaa iminka soo bandhigay nin lagu tuhmayo dilalkaasi, waxaana ninka lasoo qabtay lagu magacaabaa Oscar Morel.

Oscar Morel oo 35 jir ah ayaa waxaa lagu eedeynaa dilka imamen Alala Uddin Akongi oo 55 jir ahaa iyo adeegihiisa Thara Uddin oo isna 64 jir ahaa kuwaas oo la dilay xilli ay kasoo bexeen masjid ku yaal xaafadda Queens ee magaalada New York.

Ninkan ayay boolisku sheegeen in ka hor inta uusan dilin wadaadada uu soo jiiray ruux baskiil wada uuna kasoo baxsaday goobta.

Eddeynta ninkan ayaa timid kaddib markii boolisku baareen guriga ninkan oo ay kasoo heleen bastoolad iyo dhar la sheegay in uu watay habeenkii uu wadaadada dilayay.

Wali ma cadda sababta ka dambeysa dilalkan, waxaana ay wadaan boolisku baaritaan ku aadan arrintaasi.

Wadaadada la dilay ayaa xirnaa dharka muslimiinta, waxaana xabadaha looga dhiftay madaxa.

Muslimiinta ku dhaqan magaalada New York ayaa caro ka muujiyay dhacdadan, waxaana ay eedeyn u jeediyeen ninka u tartamaya jagada madaxweyne ee dalka Mareykanka Donald Trump oo ay sheegeen in uu dhiirrigeliyay dilkan