(August 18,2016) Danjiraha Burundi ee Soomaaliya oo Muqdisho loogu Sameeyay Xaflad Sagootin ah

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ahaa kula qaatay Danjiraha Burundi u fadhiya Soomaaliya, Jen. Joseph Nkurunziza oo waqtiga xilkiisa Soomaaliya uu dhammaaday.

Xasan Sheekh, ayaa uga mahad-celiyay safiirka sida wanaagsan ee uu u gutay waajibaadkiisa mudadii labada sanadood ahayd ee uu Waddankiisa Wakiilka uga ahaa Soomaaliya.

“Waan ku faraxsan-nahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Burundi. Hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay mahad gaar ah u hayaan Burundi iyo kaalin geesinimada leh ee ay ku taageertay in ciidankeeda ay qeyb ka noqdaan hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Taariikhda cusub ee qormeysa inay Burundi qeyb ka tahay. Adigana waxaan si gaar ah kaaga mahad-celineynaa doorka aad ka qaadatey isku xirka, is-kaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa Safiirka ka codsaday in uu salaan ka gaarsiiyo Madaxweynaha Dalka Burundi, Pierre Nkurunziza.

Dhanka kale, Danjiraha waqtigiisa dhammaaday ee Burundi ayaa isagana hadal ka jeediyay kulankaas, wuxuuna uga mahad-celiyay Madaxweynaha Somalia, mas’uuliyiinta kale ee Dowladda iyo Shacabka, sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen intii uu joogay Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Danjire Nkurunziza oo muddo laba sannadood ah xilka hayay, ayaa ahaa Danjirihii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Burundi ay si rasmi ah ugu soo dirto Somalia, kaddib Dagaalladii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.