(August 18,2016) Wasiirka Arimaha Dibada oo sheegay in Qareeno loo qabtay dhalinyarada Somaliyed ee dalka India ku xiran……

Wasiirka Arimaha Dibada oo sheegay in Qareeno loo qabtay dhalinyarada Somaliyed ee dalka India ku xiran……

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Qareeno loo qabtay dhalinyarada Somaliyed ee ku xir xiran xabsiyada dalka India.

Tiro dhalinyaro ah Somali ah oo qaarkood sharcidaro ay ku xiran yihiin halka qaarna ay ku xiran yihiin arimo la xiriira Burcad badeednimo ayaa ku jira Xabsiyo ku yaalo dalka Indiya.

Wasiir Hadliye ayaa meesha ka saaray dhalinyaradaasi inaysan ka warqabin Dowladda Somaliya, wuxuuna sheegay in loo qabtay Qareeno u dooda.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay isku dayeyso maxaabiistaasi in dalka gudihiisa loo soo wareejiyo.

“Bil walbo safaaradda wey u tagtaa, qareenno baa loo qabtay, waxaan ogahay in Hal qof uu ka dhintay, laakiinse sharciga Hindida ayeey ku xukuman yihiin waana isku dayeenaa haddii dalka loo soo wareejin karo” ayuu yiri Hadliye.

Dhalinyarada Somaliyed ayaa ku dhibaateysan meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah, kuwaasi oo u baahan in loo dooda xuquuqdooda.