(August 19,2016) Wiil yar oo ku dhaawacmay duqeymaha kasocda Suuriya oo adkeysigiisa laga yaabay (Video)

Cimraan Daqmiish oo ah wiil yar oo Suuriyaan ah ayaa ku dhaawacmay duqeyn kadib markii gurigoodii lasoo duqeeyay oo uu ku dumay.

Dhowr iyo afartan daqiiqo kadib ayaa laga soo saaray asagoo nool oo dhaawac ah halkaa isbitaalna loola cararay.

Waxaa lala yaabay adkeysigiisa asagoo aan juuqna oran oohin iyo ilmo iyo jixinjix kalena laga waayay. Masawirkiisa ayaa baraha bulshada iyo taleefishinada iyo qeybaha kale ee warbaahinta caalamka oo dhan ku faafayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Wiilkaa ayaa waxaa lasoo masawiray asagoo daggan iskana aamusan kuna fadhiyay kursi, ambalaas gudaheed.

Cimraan ayaa dhiig uu ka da’aayay markii uu iska aamusnaa oo xasilloonaa boor badana lahaa.

Wiilkaa dulqaadkiisa ka yaabiyay caalamka ayaa da’diisu un tahay shan sano jir.

Dhammaan xubnihii qoyskiisa oo ka koobnaa hooyadii iyo aabihii iyo walaalihii iyo asaga ayaa dhammaan weerarkaa ku wada dhaawacmay, magaalada Xalab ama si kale hadii loo qoro Aleppo. 

Dalka Suuriya ayaa waxaa ku hardamaya dadka dushooda xoogag aan badankoodu naxariis lahayn oo dano kala duwan oo la fahmi la’yahay wata.

Muddo ka badan shan sano ayuu haatan socdaa dagaalkaa umana muuqdo inuu soo afjarmaayo mar dhow Alle amarkii waa gaar.

Dad badan ayaa dagaaladaa ku dhintay, qaar kale oo aan xisaab lahayn waa ku naafoobeen halka qaarna ayba gaajo kuleysay meelo dalkaa ka tirsan oo hareereysan waxaana intaa dheer in dayac uu ku heysto qaxootiga dalkaa meelo badan oo dunida ah.

 

 

wiil wiil1wiil2wiil3wiil4wiil5wiil6