(August 19,2016) Hogaamiyaha mucaaradka Koofurta Sudan Riek Machar oo lagu arkay dalka DRC (Video)

Hogaamiyaha mucaaradka dowlada Koofurta Sudan Riek Machar ayaa lagu arkay toddobaadyo kadib dalka Jamhuriyada Dimuqraadiyada Congo kadib dagaal ka dhacay caasimada dalkaas ee Juba.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ogaadeen ciidamadeeda nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Congo in uu Machar ku sugan yahay dalkaas ayna ku wargeliyeen dowlada Congo inay ogaato sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada New York Farhan Haq.

“Riek Machar waxaa lagu wareejiyay dowlada Congo,mana sheegi karno halka saxda ah ee uu ku sugan yahay,”ayuu  Haq sii raaciyay.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay dowlada DRC Lambert Mende ayaa beeniyay in ay wax xiriir ah kala sameeyeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koofurta Sudan balse Haq ayaa  sheegay in Machar laga soo kaxeeyay meel ku dhow xadka dalka Koofurta Sudan.

“Waxaan idiin xaqiijinaynaa in howlgal ay sameeyeen ciidamada Qaramada Midoobay ee dalka DRC MONUSCO (U.N. mission) ay si bani’aadanimo ah ay uga soo kaxeeyeen Riek Machar,xaaskiisa iyo toban ruux oo kale iyagoo kaalmo ka helaya dowlada DRC,”ayuu Haq yiri.

War ka soo baxay ururka uu hogaamiyo Machar ee (SPLA-IO) ayaa lagu sheegay in Arbacadii in uu ku sugan yahay hogaamiyahooda dal ammaan ah oo deris la ah wadanka Koofurta Sudan.

Afhayeenka mucaaradka James Gatdek Dak ayaa ku soo qoray bogiisa Facebook in uu lug ka dhaawacan yahay hogaamiyaha mucaaradka dhaawacaasna yahay mid fudud kaasoo ka dhashay socod uu maalmo lugeynayay.

Kadib dagaal ka dhex qarxay taageerayaasha Madaxweynaha dalka Koofur Sudan iyo mucaaradkiisa ayaa waxa uu ku dhowaaqay madaxweyne Kiir inuu shaqadii ka eryay Machar uuna u dhaariyay xilka ku xigeenka Madaxweynaha Taban Deng Gai, oo hore ugaga mid ahaa ururka mucaaradka ee uu hogaamiyo Machar.