(August 20,2016) Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Soomaaliyeed oo sharci darro ku tilmaamay Kaarka Aqoonsiga

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro ku tilmaamay kaararka aqoonsiga ee ay bilowday dowladda Hoose ee Muqdisho, kadib markii Taliska Nabadsugida Qaranka uu amar ku bixiyay in la qaato kaararkaas.

Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in aanay sax aheyn kaarkaas, isagoo xusay in horay Baarlamaanka uu diidmo ka soo saaray, isla markaana uu isagana mar hore ka hor-yimid, maadaama aanay sax aheyn qaabka loo bixinayo.

“In dadka lagu amro qaadasha kaararka aqoonsiga waa sharci darro, ka hanti dhowre ahaan arrintaas horay war baan uga soo saarnay, waa qalad, sax ma ahan, waa mid dadka lagu baabi’inayo oo hantina looga qaadayo, waxayna keeneysaa musuq maasuq”ayuu yiri Hanti dhowrka Guud.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo shaqo la’aan ah, isla markaana aanay awoodin in kaararkaas ay qaataan.

Dhinaca kale Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Shirkadaha Turkiga laga leeyahay ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo, isla markaana ay yihiin kuwo si qaldan u maamulaya labada il ee dhaqaalaha ka soo gala dalka, isagoo xusay in horay uu dacwad uga gudbiyay Madaxda sare ee dowladda.

Hadalka ka soo yeeray Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shacabka Muqdisho ay cabasho ka muujiyeen qaadashada kaarka aqoonsiga oo lagu bixinayo lacag dhan $18 oo dollar, waxaana ay sheegeen in aanay awoodin lacagahaas.